Haweenka Kenya oo dalbanaya in Ciidankooda laga soo saaro Soomaaliya

Kenya-RisaalaFM- Ururada bulshada dalka Kenya, gaar ahaan Haweenka ayaa Maxkamadda Sare ee dalkaasi waxa ay ka codsadeen in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, kuna sugan Soomaaliya la soo saaro.

Warqad qoraal ah oo Jimcihii ay u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayay ku sheegeen in muhiim ay tahay in la soo saaro Ciidanka Kenya, si dadkooda ay uga difaacaan weerarada Shabaab ay ka geystaan Kenya.

Sidoo kale Haweenka Kenya ayaa warqadooda waxaa ku qorneed in sirdoonka dalkaasi ay ka dalbanayaan in Ciidamo gaar ah oo ka hortaga loo sameeyo dadka Kenyanka ah ee ku jira Shabaab, weeraradana ka geysta dalkooda.

“Maxkamadda sare waxaan ugu baaqeynaa in Ciidankeena ay ka soo saarto Soomaaliya, dadkeena waxay dhibaatooyin dilal ah ay kala kulmaan ururka Al-shabaab, si taasi loga baaqsado ayaan Ciidankeena u dalbaneynaa”. Ayay tiri Ms Truphena Moraa oo ka mid ah Haweenka Kenya.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Haweeneydan Qaraxyada Shabaab ay ka geystaan Soomaaliya in ay bilowdeen markii Ciidanka Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya.

Shabaab ayaa horey u sheegay in gudaha dalka Kenya ay weeraro iyo Qaraxyo toos ah ka geysan doonaan, ilaa Ciidanka Kenya ee  ku sugan Soomaaliya ay ka baxaan.