Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka ammaanka maamulka Puntland ay soo qabteen boqolaal tahriibayaal ah kuwaa soo doonaayey in ay ka baxaan xeebta magaalada Boosaaso.
Ciidanka ammaanka maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay boqolaal tahriibaal isku jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo doonayey in ay ka tahriibaan xeebta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Tahriibayaasha ayaa la sheegaya in lagu xir xiray saldhiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Saraakiisha ammaanka maamulka Puntland qaarkood aan la hadalnay ayaa sheegay in ay sharci horkeeni doonaan dadka doonaayey in ay ka tahriibaan xeebta magaalada Boosaaso.
Maamulka Puntland ayaa horay u mamnuucay in laga tahriibo xeebaha deegaanada maamulka Puntland, waxayna burburiyeen shabakado ka ganacsan jiray tahriibinta dadka.


