Puntland oo beenisay hadal kasoo baxay Somaliland

Maamulka Puntland ayaa beeniyay in waxgarad iyo siyaasiin ka soo jeeda maamulka Puntland ay heshiis la gaareen maamulka Somaliland oo ay ku dagaalameen gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soo cadde ayaa ka hadlay  hadal shalay uu sheegay wasiirka warfaafinta Somaliland kasoo ahaa in ay heshiis la gaareen waxgarad kasoo jeeda Puntland, waxa uuna ku tilmaamay  hadalkaasi  mid aan raad la heyn.

Wasiirka ayaa sheegay in waxgaradka Puntland ee ku sugan gobolka Sanaag la qasbay oo qoryo lagu qabtay ka dibna muuqaal laga soo duubay.

Maxamuud Xasan Soo cadde ayaa sheegay in Somaliland ay ka been abuurtay waxgaradka Puntland.

Shalay ayey aheyd markii uu wasiirka warfaafinta Somaliland uu sheegay in ay heshiis la gaareen waxgarad kasoo jeeda Puntland.