Puntland iyo Jubbaland oo ciyaari doona Finalka Tartanka maamul goboleedyada

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium lagu soo gaba gabeyn doonaa Tartanka maamul goboleedyada dalka oo ay isaga hor imaan doonaan kooxaha Puntland iyo Jubbaland.

Kulanka Galabta ayaa waxaa ka qeyb gali doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, xubno ka socda xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed iyo marti sharf kale.

Kulanka oo ah mid aad uxiiso badan ayaa labada kooxood mid walba waxa ay dooneysaa in guusha dhaneeda ay ahaato.

Kabtanada Labada kooxood ee Jubbaland iyo Puntland oo aan goor dhow la xiriirnaya ayaa inoo sheegay in ay kooxohooda diyaar uyihiin in ay kulankan ka qeyb qaataan.

Taageerayaasha Labada dhinac ayaa waxa ay ku sii qul qulayaan Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium oo ay ciyaarta ka dhaceyso.

Kulanka ayaa bilaaban doona saacadu marka ay tahay 03:00 Galbnimo iyadoo abaalmarino qaali Galabta la bixin doono.