Puntland iyo Galmudug oo heshiis horudhaca Gaaray

Shirkii looga hadlaayay colaada Magaalada Gaalkacyo ayaa kusoo idlaaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirka ayaa socday wax ka yar hal saac , waxaana laga soo saaray qodobada dhowr oo ay ka mid yihiin.

in ciidanka la kala qaado , islamarkaana xabad joojin laga hirgeliyo Magaalada Gaalkacyo.

in la magacaabo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya Nabada Magaalada Gaalkacyo.

in magaalada Kismaayo la isugu tago bisha aynu ku jirno 20-keeda halkaasi oo arimihii horay la iskula gartay lagu meel mariyo.