Julian Draxler ayaa ku biiray Paris Saint-Germain kadib markii uu ka tagay kooxda Wolfsburg iyadoo la dhameystiray maanta heshiis ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu ugu dhaqaaqay kooxdab reer France.
qandaraaskiisa ayaa la shaaciyay in uu ku egyahay sanadka 2021, waxaana Paris Saint-Germain ay ku xaqiijisay warkaan bogeeda rasmiga ah .
Kooxda Bundesliga ayaa xaqiijisay bishii hore in xiddiga reer Germany ku biirayo kooxda heysata horyaalka Ligue 1 laakiin heshiiska ayaa si rasmi ah u dhacay maanta oo talaado ah.
Draxler ayaa kaga soo biiray Schalke kooxda Wolfsburg sanadkii 2015 waxaana isku dar labada koox uu usaftay 153 kulan oo horyaalka Bundusliga ah.
“Waa farxad weyn inaan ku biiro Paris Saint-Germain,” Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa u sheegay website-ka rasmiga ee PSG.


