Barcelona oo bedelka Luis Enrique ka heshay horyaalka EPL-ka

BARCELONA ayaa lagu soo waramayaa in ay xiriir la sameysay tababare Ronald Koeman oo ay suurtagal tahay inuu noqdo bedelka macalin Luis Enrique oo ka tagi kara xagaagan.

Tababaraha Dutch ee hogaamiya kooxda Everton ayaa horumar wanaagsan ka sameeyay Premier League ka dib markii uu shaqo fiican ka qabtay kooxda Southampton oo uu ku sugnaa laba xili ciyaareed.

Macalinkaan ayaa isagoo ciyaaryahan ah waxa uu u dhaliyay kooxda Barcelona goolka guusha waqti dheeraadka ahaa finaalkii koobka Yurub 1992, waxaana sidookale mar uu noqday tababare ku xigeenkii Louis Van Gaal 1998 ilaa 2000.

Sportitalia ayaa sheegaya in kooxda reer Catalan diyaar u tahay in ay lasoo wareegto macalin Koeman, si uu u noqdo bedelka Enrique oo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xili ciyareedkaan.

Barcelona ayaa soo saartay macalimiin dhalinyaro ah sanadihii lasoo dhaafay kuwaasoo uu kamid ahaa macalinka hadda hogaamiya kooxda Manchester City ee Pep Guardiola.