Philippe Coutinho oo 48 saac u jira inuu ku biiro Barcelona

LIVERPOOL, ENGLAND - MAY 21: Philippe Coutinho of Liverpool during the Premier League match between Liverpool and Middlesbrough at Anfield on May 21, 2017 in Liverpool, England. (Photo by Robbie Jay Barratt - AMA/Getty Images)

Philippe Coutinho ayaa saxaafadda loo soo bandhigi doonaa isagoo ah ciyaaryahan kooxda Barcelona ah Talaadada, kooxda ka dhisan Camp Nou Stadium ayaana kalsooni ballaaran ku qabta inay 90.2 milyan oo ginni kula soo saxiixan doonto xiddigaan, waana qiimaha ay ku dooneyso Liverpool oo ah 100 milyan oo euros.

Barcelona ayaa wadahadallo xowli ah la yeelatay wakiillada Philippe Coutinho iyadoo raadineysa weeraryahan cusub oo ay ku bedesho Neymar JR kaasoo 198 milyan oo ginni kula biiray kooxda PSG.

Coutinho oo isna u dhashay dalka Brazil ayaana ula muuqda bedelka Neymar. Inkastoo ay Liverpool iska soo diiday dalabkii ugu horreeyey ee Barcelona. Hadda majaladda El Mundo Deportivo ayaa sheegeysa inuu xiddigaani 48 saac u jiro inuu yimaado Camp Nou Stadium haddii wax walba sida la qorsheeyey ay u dhacaan.

Coutinho ayaa muddo dheer diiradda u saarnaa Barcelona, laakiin waxay xoojiyeen doonistiisa ka dib markii uu kooxda ka tegay Neymar. Waxaana xusid mudan inuu noqon doono xiddigii ugu qaalisanaa ee laga iibsado taariikhda horyaalka England Premier League.

Warbixintaan ayaa sheegeysa inay xitaa Barcelona bixin doonto 20 milyan oo euros oo dheeraad ah oo ku xiran qaab ciyaareedka iyo guulaha uu xiddigaani ku gaaro kooxda ka dhisan Catalonia.

Coutinho ayaa wuxuu Barcelona la gaaray qandaraas shan sanno ah, wuxuuna qandaraaskaan si rasmi ah u saxiixayaa marka uu yimaado kooxda taasoo ka dhignaan doonta inuu Barca ahaan doono tan iyo June 2022ka.