K/Galbeed “Shacabka Shabeellaha Hoose waxaa heysta dhibaatooyin”

Baydhabo-RisaalaFM- Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi oo wareysi gaar ah siinayay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay dhibaatooyinka xilligan ka jira gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Waxa uu si gaar ah u sheegay Maxamed Fiqi xilligan in degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose ay ka taagan yihiin Dagaalo iyo dhibaatooyin kale oo nolosha la xirira.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed in ururka Al-shabaab ay shacabka ku nool degaanada Shabeellaha Hoose kala kulmaan Dagaalo, Dilal iyo Jidgooyooyin.

Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaaooyinka ururka Al-shabaab.

“Shacabka ku nool gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waxaa heysta dhibaatooyin ay kala kulmaan nimanka Nabad diidka ah ee Al-shabaab, laakiin shacabkaasi waxa ay diideen in dhulkooda loogu taliyo, Koonfur Galbeed waxay wadaa dadaalo arrimahaasi ay wax kaga qabaneyso”. Waxaa sidaas yiri Maxamed Xasan Fiqi.

Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera), Radio Risaala, Baydhabo