Pellegrini & Klopp oo tijaabo adag ku bilowday Premier League

Tababare Manuel Pellegrini ayaa wajahaya tijaabo adag oo uu ku ciyaaro kulankiisa ugu horeeya Premier League isagoo tababare u ah West Ham, iyadoo Hammers ay u safreyso kooxda ka dhisan waqooyiga England ee Liverpool.

West Ham ayaa keentay wajiyo badan oo cusub xagaagaan iyadoo Pellegrini uu doonayo inuu dhiso koox u leh inay garaacdo kooxaha waaweyn.

Taageerayaasha Hammers ayaana ku rajo weyn inay helaan bilowgii ugu fiicnaa xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Ingiriiska.

Laakiin waxaa jira wakhti yar oo kooxdan cusub ee Hammers heshay inay isku diyaariso marka ay booqanayaan galabta garoonka Anfield.

Liverpool ayaa ku raaxeysaneysa waqti fiican, iyadoo suuqa kala iibsiga xagaaga ciyaartooy waaweyn ka qaadatay.

Liverpool iyo West Ham ayaa ciyaartooyda waxaa la daawan dooonaa 3:30 galabnimo maanta oo axad ah waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka Anfield.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Liverpool XI: Alisson; Clyne, Gomez, Van Dijk, Robertson; Milner, Wijnaldum, Keita; Mane, Salah, Firmino

West Ham XI: Fabianski; Fredericks, Diop, Ogbonna, Cresswell; Rice, Noble, Wilshere; Anderson, Antonio, Arnautovic.