Maxaa ka cusub kulanka Arsenal wajaheyso Manchester City?

Unai Emery waxa uu wajahayaa furitaan adag kulankiisa ugu horeeya Premier League ee uu tababare u noqdo kooxda Arsenal, iyadoo kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City uu ku qaabilayo waqooyiga London.

Emery ayaa u muuqda mid soo jiitay taageerayaasha Arsenal kuwaasoo rajeynaya inay kusoo laabtaan tartanka Champions League ka dib hal sanno oo ay ka maqan yihiin.

Laakiin markii ugu horeysay Emery oo macalin ka ah Emirates Stadium ayaa wajahaya macalinka uusan waligiis ka badin ee Pep Guardiola oo kusoo gaaray isbuuc ka hor Community Shield kooxda Chelsea.

Arsenal ayaa marxalad fiican heysata marka ay ka hortageyso City, iyagoo ka faa’ideysanaya dhowr magac oo waaweyn oo aan wali diyaar u noqon Pep Guardiola kooxdiisa.

Arsenal ayaa ku martigelin doonta Manchester City garoonka Emirates Stadium, ciyaar la daawan doono 6pm ee fiidka caawa.

SHAXDA MACQUULKA AH

Arsenal XI: Leno; Bellerin, Mustafi, Sokratis, Maitland-Niles; Torreira, Xhaka, Ramsey; Ozil, Mkhitaryan, Aubameyang

Man City XI: Ederson; Walker, Stones, Kompany, Mendy; Fernandinho, B. Silva, De Bruyne; Sterling, Sane, Aguero