Paul Pogba oo wax laga weydiiyey xiriirka kala dhexeeya tababare Mourinho

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa si dadban uga dhawaajiyey in uusan wanaagsaneyn xiriirka kala dhexeeya tababaraha Man United Jose Mourinho, inkastoo uu diiday inuu si cad uga hadlo.

Pogba ayaa wuxuu shalay ku sugnaa dalka Sweden halkaasoo uu u raacay saaxiibkiis Zlatan Ibrahimovic, waxayna furayeen garoon lagu ciyaaro tennis-ka oo laga sameeyey caasimadda Stockholm.

Laacibkii hore ee Juventus ayaana wax laga weydiiyey mustaqbalkiisa Manchester United iyadoo Isbuucyadii u dambeeyey ay soo baxayeen warar sheegaya inay isku dhacsan yihiin tababare Jose Mourinho.

Pogba oo diiday inuu tooska ku ifiyo Mourinho ayaana yiri: “Halkaan waxaan u joogaa inaan taageero Zlatan, waxaana keliya ka hadli doonaa wax ku saabsan garoonkaan”.

Hadalkiisa waxaa loo fasiray inuu jiro dagaal qarsoon oo kala dhexeeya tababaraha reer Portugal balse uusan dooneyn inuu saxaafadda u bidhaamiyo.