Balcad-RisaalaFM- Guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Idaacadda Risaala uga waramay weerarkii maanta Shabaab ay ku qaadeen degmadaasi, kaasi oo geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah.
Xoogag hubeysan oo Shabaab ka tirsan ayaa barkhanimadii maanta waxa ay laba jiho ka weerareen degmada Balcad oo 37-KM dhinaca Waqooyi ka xiga caasimada dalka ee Muqdisho, waxayna tilmaameen in ay burbur u geysteen qaar ka mid ah xarumaha Dowladda.
Qaasim Cali Nuur Guddoomiyaha Balcad ayaa sheegay iyada oo Ciidamada ay qeyb ka mid ah degmada ka wadaan Howlgal amni xaqiijin ah ay Shabaab soo weerareen qeybta kale ee degmada, balse ay iska caabin kala kulmeen Ciidanka Dowladda.
Wuxuu sheegay ujeedka weerarka Shabaab in uu ahaa in ay kala jaraan Buundada degmada, balse arrintaasi aysan u suuragelin oo ay ka difaaceen Ciidamada, wuxuuna beeniyay in Shabaab ay la wareegeen degmada qeybo ka mid ah.
Wuxuu tilmaamay inta uu weerarka socday Shabaab in ay Madaafiic ku garaaceen meelo ka mid ah degmada oo ay ka mid yihiin xarunta Maamulka, Guri shacab ay leeyihiin iyo goob waxbarasho, khasarana uu ka soo gaaray dad shacab ah, wuxuuna Guddoomiyaha ka gaabsaday khasaaraha dhabta ah ee dagaalkan ka dhashay.
Guddoomiye Qaasim ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin mar walba in ay difaacaan bulshada Hirshabeelle gaar ahaan kuwa degmada Balcad, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.



