Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaday Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, waa ninka maalqabeynta ah ee Donald Trump.
Obama ayaa wuxuu sheegay Trump inuusan u qalmin hogaaminta dalka Mareykanka, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay xisbiga Jamhuuriga inaysan taageerin Musharax Donald Trump.
Madaxweyne Obama ayaa codkiisa ku biiriyay dadka Donald Trump ku dhaliilay hadalkii uu ku weeraray qoyska wiilkoodii askariga ahaa uu kaga dhintay dagaalkii Ciraaq. Waxa uuna tilmaamay in Trump aanu ahayn qof Maraykanka hogaamin kara.
Obama ayaa ugu baaqay xubnaha Xisbiga Jamhuuriga inay iska fogeeyaan Donald Trump, maadaama uusan aheyn ruux qaadi kara hogaanka dlaka Mareykanka.
Ninka maalqabeynta ah ee Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ka jawaabay hadalka Obama ayaa dhankiisa sheegay in Obama uu ku fashilmay Hogaaminta dalka Mareykanka.
Trump ayaa dhankiisa wuxuu kaloo sheegay in Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga dalka Mareykanka Haweenayda lagu magacaabo Hillary Clinton in aanan lagu aamini karin hogaaminta Dalka Mareykanka.
Olalaha Musharaxiinta dalka Mareykanka ayaa si xowli ah kaga socdo dalka Mareykanka, waxaana intaasi sii dheer eedeymaha kala duwan ee ay isku jeedinayaan xubnaha Musharaxiinta.