Norway oo laga codsaday in aysan soo celin Qaxootiga Soomaalida ah

Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa Dowladda Norway waxa ay ka codsatay in ay ka laabato go’aanka lagu soo celinayo  Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Dalka Norway.

Warqad Qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa Dowladda Norway waxaa looga codsaday in ay wax ka bedel ku sameyso go’aanka ay ku soo celinayso Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Norway.

Qaramada Midoobay ayaa wax ay sheegtay Soomaaliya hada in uusan ka jirin Amni buuxa oo la isku haleyn karo, maadaama Soomaaliya mararka qaar ay ka dhacaan weeraro iyo Qaraxyo.

Sidoo kale Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay Qaxootiga ku nool Norway in ay hada heystaan nolol wanaagsan oo aysan dooneyn in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya, ilaa dalka uu ka noqdo amaan.

Wasiirka Socdaalka ah ee Dowladda Norway ayaa waxa ay sheegtay in hada ay wadaan qorshe dib loogu soo celinayo 1,600 oo Qof oo Qaxooti Soomaaliyeed ah.

Dowladda Norway ayaa horey waxa ay u shegtay in ay soo celineso Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Dalka Norway, iyadoo Soomaalida Qaxootiga ah ee ku nool Norway tirto ahaan lagu qiyaasay kumaan Qof.