NISA oo sheegtay in horjoogayaal Al-shabaab ah lagu dilay Bariire..

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday guri ay deganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku maleegaayey falal argagixiso ah.

 

Waxaa jira khasaare xooggan oo gaaray khawaarijta, gaar ahaan horjoogeyaal sare oo ku sugnaa halkaasi ayaa la sheegay in ay ku dhinteen.