NISA oo sheegtay in 6 howlgal oo dhacay lagu dilay horjoogayal ka tirsan Al-shabaab

War ka soo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgalo ka dhacay gobolada Shabeelada dhexe iyo Shabeelada Hoose lagu dilay horjoogayal sare oo ka tirsan AS.

Tirada xubnaha la dilay ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 80 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaadka tirsan kooxda Al-shabaab, kadib 6 howlgal oo ka dhacay goboladaasi.

Howlgalada ayaa sidoo kale lagu burburiyey xarumo ay Al-shabaab ku dhibaateyn jirtay shacabka Soomaaliyeed, sida ay NISA ku sheegtay qoraalkeeda.

Ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijin karta sheegayashada Taliska NISA.