NISA oo Ganacsatada iyo shacabka ka Mamnuucday inay maalgeliyaan Al-shabaab.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa si adag uga digtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada, in ay bixiyaan waxa kooxaha Khawaarijta ugu yeeraan “Zakawaad” ama “Baad”.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ay socoto dabagal iyo baaris dhab ah oo lagu samaynayo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee taageera argagixisada, iyadoo si gaar ah isha loogu hayo lacagaha loo bixiyo Khawaarijta, oo ay iyagu ugu magac-daraan Zakawaad.

“Qof kasta oo bixiya Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka, waxa uu si toos ah ugu dhacayaa dambiyada maalgelinta Argagixisada, sida ku xusan shuruucda dalka Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya la-dagaalanka argagixisada.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hay’addu waxay sidoo kale wargelisay in Cid kasta oo lagu helo bixinta ama fududeynta bixinta baadda Khawaarijta, laga qaadayaa tallaabo sharciyeed deg-deg ah, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha kale ee amniga.

Muwaadiniinta iyo ganacsatada Soomaaliyeed loogu baaqayo in ay iska diidaan wax kasta oo cadaadis ah oo kaga yimaada kooxda Khawaarijta, isla markaana ay si deg-deg ah ugu war-geliyaan hay’adaha amniga.

Ugu dambeyn, NISA waxay xasuusineysaa bulshada Soomaaliyeed in la iska kaashado la-dagaalanka maalgelinta argagixisada si loo sugo amniga, xasilloonida, iyo jiritaanka dowladnimo Soomaaliyeed.