Dowladda Kenya ayaa nin lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay ururka Al-Shabaab waxa ay ku xukuntay 80 sano oo xabsi ah.
Cabdirisaaq Mukhtaar oo ka mid ahaa Ganacsatada Gawaarida kiraysa ayaa lagu helay taageero uu siiyay Al-Shabaab.
Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa sheegtay in Cabdirisaaq uu yahay danbi le ka galay danbigii lagu soo oogay sidaas darteed ay ku xukuntay 80 sano oo xabsi.
Cabdirisaaq oo 24 Jir ah ayaa la xiray Sanadkii 2014kii,waxaana ciidanka ammaanka dalka Kenya ay kasoo qabtay Gobolka Masai Mara.
Joyce Gandani oo ah garsooraha maxkamada ayaa sheegay in Cabdirisaaq uu taageero weyn siiyay Al-Shabaab oo dowladda Kenya ay dagaal adag kula jirto.


