N’Golo Kante oo heshiis shaqsi ah la gaaray Chelsea

N’Golo Kante ayaa heshiis uu kula biirayo la meeldhigay kooxda Chelsea, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya dalka France.

Blues ayaa dhowaan qiimaha lacageed ee 25 sanno jirkaan qadka dhexe ee daafaca ka ciyaara kala heshiisay kooxdiisa Leicester City ka dib markii ay ka gudbisay dalab 29 milyan oo ginni ah.

Idaacadda saldhigeedu yahay dalka Faransiiska ee Radio Monte Carlo ayaana haatan xaqiijisay inay Chelsea heshiis shaqsi ah la meeldhigtay Kante kaasoo qandaraas shan sanno ah u saxiixi doona kooxda ka dhisan Stamford Bridge.

Chelsea ayaa illaa haatan hal saxiix ka sameysay suuqa kala iibsiga xagaagaan waana gooldhaliyaha reer Belgium Michy Batshuayi kaasoo ay 32 milyan oo ginni ugala soo wareegtay kooxda Marseille.