Kooxda Man United mudo dheer oo aan la cayimin adeega Paul Pogba ma heli doonto waana arin laga doodayo in Jose Mourinho arinkaan u xalin karo.
Balse Nemanja Matic ayaa markale ku celiyay in United ay isku filan tahay sidoo kalena shaqadii Pogba kooxda u qaban jiray si wacan loo dabooli doono.
Pogba dhaawac dhanka muruqa hoose ah ayaa soo gaaray bartamihii bisha September ee aan kasoo gudubnay kulan Man United la cayaartay naadiga FC Basel tartanka Champion-ka wuxuuna macalin Jose dhawaan sheegay in xidigaan kooxda mudo dheer ka maqnaan doono.
Nemanja Matic wuxuu yiri “Waan ognahay in Paul Pogba mudo kooxda ka maqnaan doono, waa xidig muhiim ah sidoo kalena ah cayaaryahan weyn, laakiin waan ku celinaa mar labaad kalsooni ayaan ku qabaa inaan la tabi doonin”
“Man United waxay heesataa cayaartooy ku filan qof walbna masuuliyadiisa inuu kasoo baxo ayuu Old Trafford u joogaa”
Pogba haatan Man United ku dhawaad 5-kulan ayuu ka maqan yahay waxayna kooxda guuleestay dhamaan kulamadaas taasi oo ka dhigan kooxda Jose 100% Pogba la’aantiisa guulo wacan gaareyso.