Natiijoonkii Premier League & Dagaalka Gooldhalinta

Sergio Aguero ayaa noqday ciyaaryahankii ugu goolasha badan xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League ka dib markii uu xalay ka caawiyay Manchester City inay West Ham United ku garaacdo garoonka Etihad Stadium.

Aguero ayaa dhaliyay goolkiisii 18aad ee xilli ciyaareedkaan kulankii Manchester City 1-0 kaga badiyeen West Ham, isagoo ka caawiyay kooxdiisa inay tartan kula sii jirto Liverpool oo hogaanka u heysa horya alka.

City ayaa ku dhawaad hal saac la dhibtooneysay inay gool ka dhaliso West Ham ka hor inta xiddiga bedelka kusoo galay ee Bernardo Silva caawin goolka uu dhaliyay Aguero.

Hogaamiyaasha Premier League ayaa kor u kac sameeyay xalay kadib markii ay 5-0 ku xasuuqeen kooxda Watford.

Liverpool ayaa durbadiiba isha ku heysay inay hanato horyalaka, iyadoo  Sadio Mane iyo Virgil Van Dijk ayaa min laba gool dhaliya halka kan kale uu raacsaday Origi.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Senegal ayaa dhaliyay goolkiisii 13aad iyo kiisii 14aad ee horyaalka, isagoo sii wata qaab ciyaareedkiisa fiican ee kooxda Liverpool

Mesut Ozil iyo Henrikh Mkhitaryan oo Arsenal u dhaliyay laba gool ayaa hoganka u dhiibay qeybta hor. Inkastoo Lys Mousset uu hal gool usoo celiyay kooxda martida aheyd.

Laurent Koscielny, Abumeyang iyo Alexandre Lacazette ayaa dhaliyay goolasha kale ee Arsenal oo 5-1 kaga badisay Bournemouth.

Arsenal ayaa booska afaraad kusii jirta, iyadoo Pierre-Emerick Aubameyang uu dhaliyay goolkiisii 16aad ee horyaalka kulankii xalay ka dhacay Emirates Stadium.

United ayaa ka baxsatay Crystal Place kulan ay maqnaayeen inta badan xiddigaha safka hore.

Lukaku ayaa dhaliyay laba gool labada gelin ee ciyaarta, iyadoo kan sadexada uu taaacsaday Young.

Lukaku iyo Alexis Sanchez ayaa kusoo bilowday weerarka, iyadoo Rashford, Anthony Martial iyo Jesse Lingard dhamaan dhaawac ku maqanaayeen.

Chelsea ayaa Spurs garaacay, inkastoo ay ubaahatay inay sugto ilaa saacad ka hor inta Pedro uusan dhalin goolka hore.

Blues ayaa heshay goolka labaad kadib markii daaafaca Kieran Trippier uu shabaqa si qaldan ugu leexiyay kuabd dhamaadka ciyaarta.

Inkastoo Chelsea ay 2-0 ku badosay, hadana wali waxay ka maqan yihiin kaalmaha sarre ee Premier League, iyagoo kujira booska lixaaad.

Saints ayaa goolal ay ka heshay Oriol Romeu iyo James Ward-Prowse waxay ku dhaaftay kooxda Fulham.

Claudio Ranieri ayaa wali u muuqanaya mid aan ka badbaadin Karin kooxdiisa inay dib ugu laabato horyalaka heerka labaaad ee England.

Dhanka gool dhalinta

1       Sergio Aguero    Manchester City         18

2       Mohamed Salah          Liverpool  17

3       Pierre-Emerick Aubameyang     Arsenal     16

4       Harry Kane        Tottenham         15

5       Sadio Mane        Liverpool  14