Barcelona ayaa taariikh dhigtayka dib markii ay Real Madrid kaga badisay wadar ahaan labada lug ee Sem-finalka Copa del Rey 4-1.
Guushaas ayaa la micno ah in Barcelona ay u soo baxday finalka tartankaan xilli ciyaareedkii lixaad oo isku xigta –waana markii ugu horeysya koox sidaas sameyso.
Barcelona ayaa qaaday koobkaan afartii sanno ee ugu dambeysay waxaana ay rajeyneysaa inay shan ka dhigato Finalka sannadkaan ka dhacay Benito Villamarín Stadium.
Kooxda Ernesto Valverde ayaa wajihi doonta Finalka kooxaha Real Betis ama Valencia oo lugta labaad ee wareega afar dhamaadka ku ballansan caawa.
Barcelona ayaa 60 daqiiqo cadaadis kala kulmeysay Real Madrid lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey oo lagu ciyaarayay Santiago Bernabéu, lakiin waxa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed wanaagsan markii ay dhaliyeen seddex gool qeybtii labaad, waxaana ay sidas ku xaqiijiyeen booskooda finalkii Copa del Rey.
Suarez ayaa dhaliyay laba kmaid ah goolasha halka kan kale si qaldan uu isaga dhaliyay Varne oo daafaca kaga ciyaara Rel Madrid.



