M/weynaha Jabuuti oo qaabilay Marwo Adna Aadan Ismaaciil

Jabuuti-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergeyga Somaliland u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo socdaal ku joogta dalkaasi.

Kulankan ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, sidii nabad iyo wada hadal loogu soo celin lahaa Soomaaliya iyo maamulka Somaliland iyo arrimo kale.

Ergeyga Somaliland u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay ujeedka ay u tagtay dalka Jabuuti in ay tahay sidii nabad iyo wada hadal loogu soo celin lahaa mandaqada Geeska Afrika.

“Madaxweynaha Somaliland ayaa xil ii dhiibay, xilkaas oo ah Ergeyga wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, intaas ayaan u imid, waxaa loo baahan yahay in la wada hadlo, sanado badan baa colaado ka jirtay mandaqadeena Geeska Afrika, in dhibaatooyinka xal loo raadiyo”. Ayay tiri Marwo Adna.

Xuseen Cumar Kawaaliye Safiirka dalka Jabuuti u jooga magaalada Hargeysa ayaa sheegay muhiim in ay tahay sidii loo dhameyn lahaa mad madowga ka dhex jira Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, Jabuutina ay ku dadaaleyso arrintaasi.