Hooyo ku umushay goob codadka laga dhiibto dalka Kenya

Haweenay ayaa umushay iyada oo sugaysa in codkeeda ay ka dhiibato doorashada dalka Kenya.

Paulina Chemanang ayaa markii ay umulaysay waxa caawiyay qaar ka mid ah dadkii codka ka dhiibanayay dugsiga saree ee Konyao Secondary School oo ku yaalla degaanka galbeedka Pokot, ka hor inta aan la gaynin goob isbataal ah.

Ka dib markii ay hooyadan umushay ayaa waxa dib loogu soo celiyay goobta codbixinta si ay codkeeda u dhiibato.

“In aan ku umulo goob codadka laga dhiibanayo waa mid kheyr ii ah alle Ayaan u mahadcelinayaa,”waxaa sidaasi ka soo xigtay ,idaacada maxaliga ah ee Capital FM.

Ms Chemanang ayaa cunugeeda ugu magac dartay Chepkura. “Kura” oo ah erey Sawaaxili ah ayaa waxa micnahiisu yahay codbixin.

XIGASHO:-BBC