Wargeyska Al-Anbaad ee kasoo baxa dalka Urdun ayaa daabacay maqaal uu kaga hadlayo isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya Israa’iil, Itoobiya iyo Somaliland.
Wargeysku wuxuu sheegay in Somaliland ay si weyn u doonayso in ay ku darto Puntland khariiraddeeda, si ay isugu diyaariso dhismaha dowlad weyn oo saamayn ku yeelata gobolka, iyadoo ka faa’iidaysanaysa taageero iyo aqoonsi ay ka helayso Israa’iil, sida uu warku tilmaamay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in xilligan ay si xawli ah u socdaan isbahaysiyada juqraafi-siyaasadeed, isla markaana ay soo baxayaan saddex quwadood oo ay siyaasaddoodu isku dhowdahay, kuwaas oo kala ah Israa’iil, Itoobiya iyo Somaliland.
Wargeysku wuxuu ku dooday in saddexdan dhinac ay wadaagaan istiraatiijiyad ku saleysan ballaarin tartiib tartiib ah, iyagoo ka faa’iidaysanaya mashquulka caalamka, si ay u beddelaan khariidadda Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Sida uu maqaalka qoray, Israa’iil ayaa ballaarin ku sameynaysa degsiimooyinkeeda Daanta Galbeed, Itoobiya-na waxay ku hamineysaa inay dib u hanato Eritrea isla markaana ay saameyn ku yeelato Puntland iyo qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Sidoo kale Somaliland ayuu warku sheegay, waxay muujisay rabitaan ah in ay ku fiddo Puntland iyo deegaano kale, si ay u dhisto dowlad xooggan.
Maqaalka ayaa ku tilmaamay arrimahan “qorshe si xeeladaysan loo diyaariyay”, oo lagu fulinayo marka ay dunidu ku mashquulsan tahay arrimo kale sida dagaallada Bariga Dhexe iyo xiisadaha gobolka.
Wargeysku wuxuu sheegay in istiraatiijiyaddan aysan ahayn mid ku timid si kadis ah, balse ay tahay mid si taxaddar leh loo qorsheeyay, taas oo saameyn ku yeelan karta midnimada Soomaaliya iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.
Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn cusub oo ku saabsan doorka quwadaha shisheeye iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Somaliland.



