Muxuu ku saabsanaa kulanka Guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo kuxigeenadiisa ayaa kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS .

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Habdhowraha Golaha Shacabka iyo howlwadeennadda Guddiyada iyagoo mid mid u sharaxay shaqada baaxada leh ay u hayaan Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa shaqada Guddiga joogtada ah, Guddiyada Golaha Shacabka iyo diyaarinta shuruucda Golaha ee kalfadhiga labaad.