Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay in ay Soomaaliland kala hadlayaan sidii xurriyadiisa uu u heli lahaa Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.
Qoraal uu soo dhigey Barta Facebook ayuu ku sheegay in Cabdi Maalik uu yahay astaan u dhaxeysa Soomaali oo dhan,isla markaana dadaal ay ku bixinayaan sidii loo siideyn lahaa.
“Xukuumada deegaan-ku waxay isku dayaysaa markale inay kala hadasho, madaxwayne muuse biixi iyo xukuumada uu hogaaminayo somaliland. Samafale Abdimaalik muuse siduu xoriyadiiisa Uu u heli-lahaa! Abdimaalik sheikh muuse Waa Astaan Somaali kadhaxaysa ayuu yiri”Mustafe Cagjar.
Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa 8-dii Bishii july ee sanadkii tegay ee 2019 waxaa Maxkamadda Magalada Hargeysa ay ku xukuntay 3 Sano iyo Lix Bilood oo xarig ah.
Soomaaliland ayaa Wariye Coldoon waxaa ay ku eedeysay inuu u gefay qarannimada ay sheegato Somaliland, iyo aflagaado la sheegay inuu wariyaha u geystay dugsiga abaarso.