Mustaf Dhuxulow oo ku guuleystay Doorashada Aqalka hoose ee Galmudug

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ku  guuleystay in uu ka mid noqdo xildhibaanada baarlamaanka dowladda Soomaaliya ee ka imaanaya deganada maamulka Galmudug.

Mustaf Dhuxulow, ayaa la tartamaayay Axmed Mukhtaar Maxamuud, waxaana la sheegay in Axmed uu tanaasulay.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, ayaa helay Codadka Ergo gaaraysa 47 Ergo, taasi oo muujinaysa inuu xaqiijiyay Xubinimada Kursiga Baarlamaanka ee Beeshiisa.

Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ayaa ka socota Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii soo maray dalka.