laba kamid ah musharraxiinta ku tartamayay kursiga tirsigiisa yahay Hop233 oo ay u taagnaayeen ilaa shan musharax ayaa sheegay in doorashada ay qaadaceen, iyaga oo isaga baxay hoolka doorashada Dugsiga Tababarka JaneraalnKaahiye ee Magaalada Muqdisho.
Musharixiinta hoolka isaga baxay ayaa waxaa ay kala yihiin Muna Cali Cabdullaahi iyo Ibraahim Aadan Muuse, waxaana banaanka hoolka kula hadleen Warbaahinta, iyaga oo sheegay in Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar ) uu boobay ergada dooranaysa Kursigooda .
Waxa ay ku eedeeyeen in kursigooda uu mahdi guuleed u qoray ergo aan ku beel aheyn kuwaas oo laga soo xulay beelaha kala duwan ee ku nool magaalada muqdisho taasna ay keentay in ay qaadacaan doorashada.
Waxa ay sheegeen in Rai’isul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed ay ku dacwayn doonaan beesha caalamka si kursigaasi laboobay wax looga qabto.




