Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Galmudug oo maanta Khudbado Jeedinaya

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay maanta isku diyaarinayaan dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada maamulka Galmudug.

Musharaxiin badan ayaa ku sugan Magaalada Cadaado,kuwaasoo ku hardamaya Jagada Madaxweynimo ee Galmudug.

Xildhibaanada ayaa dhageysan doona Khudbadaha Musharaxiinta sida ay u arkaan waxqabadkooda hadii ay noqdaan Madaxweynaha Galmudug.

Maalinta Berri ah ayaa lagu waddaa in Magaalada Cadaado lagu qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug.