Musharax lacag ugu deeqay dadka ay Sameeyeen Abaaraha

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ah xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya ayaa lacag  gudoonsiiyay guddiga gurmadka abaaraha si loo gaarsiiyo dadka ay saameynta ku yeelatay abaarta ka taagan dalka.

Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xilligaan ay dadka Soomaaliyeed ay u dhintaan abaaro.

Xildhibaan Faarax Sheekh ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Lacagtaan ayaa kusoo beegmaya xilli Abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ay ka taagan yihiin gobolada dalka Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo u sharaxan gudoomiyaha baarlamaanka ayaa horay lacag ugu deeqay dadka ay saameeyeen abaaraha.