Xildhibaanada cusub ee Maamulka Ururka Ahlusunna ayaa lagu dhaariyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug.
Shalay ayay aheyd markii ay yeeseen Baarlamaan cusub, kadib kulan ka dhacay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Magacaabista xildhibaanadan ayaa waxa ay ku timid qaab xulitaan ah, kadib waxaa Digreeto ku magacaabay Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir.
Baarlamaanka uu yeeshay Maamulka Ahlusunna ayaa ka kooban 63 xubnood, waxaana ay isugu jiraan saraakiil, xubno ka tirsanaa qeybta warfaafinta, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkan iyo waliba dad iska caadi ah.
Ilaa 10 Haween ah ayaa ka mid ah Baarlamaankan.



