Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa aalada fogaan araga ugu qeybgalay xafladda arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabiyay Jaamaacaddaha dalka Hindiya.
Daahir Geelle waxaa uu kula dardaarmay in ay sii waddaan waxbarashadooda ayna laba jiraan dadaalkooda.
“Waxaan u hambalyaynayaa ardayda Soomaaliyeed ee ka qalinjibiyay Jaamacadda Lovely Professional ee gobolka Punjab ee dalka Hindiya. Waxaan uga mahadnaqayaa casuumaadda ay ii fidiyeen, aniga oo xafladdooda qalinjabinta uga qaybgalay habka fogaan aragga ah ee internetka” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.
Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu dulqaateen daruufaha adag ee waxbarashada qurbaha, waxaana kula dardaarmay in cilmiga ay barteen ay dalkooda kusoo celiyaan, bulshadoodana wax ugu qabtaan oo ay ka qaybqaataan samatabixinta iyo horumarinta dalka”







