Muqdisho-RisaalaFM- Ciidanka ammaanka ayaa Howlgal waxa ay ka sameeyeen Degmooyinka Shangaani iyo Wadajir oo ka tirsan Gobolka Banaadir, kaasi oo ujeedkiisa uu ahaa sidii ammaanka loo sugi lahaa.
Ciidanka ammaanka gaar ahaan kuwa loogu tala galay xasilinta Magaalada Muqdisho ayaa maanta xarunta xisbiga ee Degmada Warta-nabadda waxa ay ku soo bandhigeen Hub aad u fara badan iyo waxyaabaha maanka doooriya.
Waxa ay soo bandhigeen Ciidamada Hub aan sharciyeysneen, Bastoolado, Dareeska Ciidanka iyo waxyaabaha maanka dooriya.
Goobta lagu soo bandhigayay waxyaabahan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka xasilinta Muqdisho.
Wasiirk Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay arrintan in ay qeyb ka tahay qorshaha xasilinta Muqdisho.
Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamada ku amaanay shaqada ay qabteen, wuxuuna ugu baaqay in shacabka ay si wanaagsan ula dhaqmaan xilliyada ay Howlgalka sameynayaan.
Ugu dambeyntii saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka xasilinta Muqdisho ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa ay ka dalbadeen in la kordhiyo Ciidanka Imaaraadka ee qeybta ka ah xasilinta Muqdisho, wuuna ka aqbalay R.wasaaraaha codsigaasi.





