Garowe-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar (Camey) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay caruur Shabaab ka tirsanaa oo Puntland ay u soo gudbisay Xamar, si loo dhaqan celiyo ay dib ugu biireen Shabaab.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Camey caruurtaasi qaarkood oo Shabaab ka tirsanaa Puntland-na ay qabatay, hadana in markale Dagaallo lagu qabtay.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay arrintan in ay kula xisaabtami doonaan Hay’ad ka shaqeysa xuquuqul insaanka oo fadhigeeda uu yahay Muqdisho, taasi oo ay ku wareejiyeen caruurtan, si ay u dhaqan celiyaan.
Mudane Camey wuxuuu sheegay hadda kadib inay Puntland ka fekerayso inaysan mar dambe Xamar u soo dirin cid dambiile ah oo dhulkeeda dambi ku gashay.



