Mourinho oo la xaqiijiyay in uu yahay tababaraha cusub ee Man Utd

Jose Mourinho ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu yahay Tababaraha Manchester United, waxaana uu saxiixay heshiis seddex sanno ah.

Waxa uu bedelayaa macalinka Holland Louis van Gaal Van, oo la ceyriyay isniintii kadib laba maalmood markii uu kooxda ku hogaamiyay FA Cup ay guusha ka gaareenmarkii 2-1 uu kaga badiyay Crystal Palace garoonka Wembley.

Mourinho, oo 53 jir ah, ayaa ka maqnaa shaqada tan iyo markii laga ceyriyay koxda ay ku xifiltamaan Premier League ee Chelsea bishii December.

“José waa tababaraha ugu fiican kubada cagta maanta,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka-fulinta United Ed Woodward.

“Record -kiisa guusha waxaa uu ku haboon yahay inuu kooxda ku hogaamiyo waa macalin weyn oo wax walba sameyn kara ayuu hadalkiisa ku daray Woodward.

“Waxa uu ku guuleystay koobab guud ahaan Horyaalada kala duwan ee Yurub , dabcan, si aad u wanaagsan ayuu u yaqaanaa Premier League, isagoo ku guuleystay seddex koob markii uu halkan joogay ayuu yiri Woodward.”