Macalin Allegri oo sheegay in kooxdiisa ka quusatay Alvaro Morata

Tababaraha kooxda Juventus Max Allegri ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa qorsheynayso in ay ciyaarto iyadoon aan heysan xiddiga diirada usaran tahay Arsenal Alvaro Morata.

Weeraryahanka ayaa Juve kaga soo biiray Real Madrid laba sano ka hor, laakiin kooxda reer Spain ayaa heshiiska ku dartay in ay bixin karto qiimaha lagu burburin karo heshiiska xiddiga oo ah £ 24million.

Madrid ayaa la filayaa in ay sii iibsato weeraryahankaan si ay usii iibiso markasoo faa’iido culus ka heli doonto.

“Kooxda waxa ay ka shaqaynaysaa sidii suuqa kala iibsiga kaga iibsan laheyd ciyaartoo cusub Allegri u sheegay Sky Italia.

“Waxaan leenahay wax badan oo ciyaartoyda kuwaasoo xulalka qaranka u dhaqaaqay waan hubaa in aan heysano saf xooga badan.”

Allegri ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waxaan hore u siinay Morata talo tasoo uu ku badbadin karo mustaqbalkiisa kooxda.