Miyey Farxad U Tahay Jamaahiirta Liverpool Soo Laabashada Xidigaan Ka Hor Kulanka

Dejan Lovren ayaa dib ugu soo laabtay garoomada isagoo cadeeyay sida uu taam ugu yahay kulanka isbuuca soo socda ay kooxdiisa la yeelan doonto Manchester City.

Daafacaan reer Serbia kama soo muuqan safka hore kooxdiisa tan iyo dhamaadkii January balse 75-daqiiqo ayuu kasoo muuqday kooxda 23-jirada Liverpool oo uu matalay.

Jurgen Klopp ayaa si cad u sheegay ka hor muuqaalkiisa kulankiisa kooxda da’yarta inuusan taam buuxa u noqon karin kulanka Manchester City isla markaana uu soo laaban doono kadib kulamada fasaxa.

“Fasaxa caalamiga ah kadib ayaan rajeynayaa, labadaan isbuuc ayuu dib noogu soo laaban karaa, balse ma jirto kulan suuragal ah inuu ciyaaro waqtigaan, waana sida ay tahay” Ayuu yiri Klopp.

“Ma uusan tababaran, wuu hubaa inuusan ciyaari karin kulanka City, waxaana ku fakarayaa iney dareen nasiineyso soo kabsashadiisa”

Si kastaba Lovren wuxuu qeyb ka noqday da’yartii Liverpool ee 2-0 ku garaacday Chelsea kulan ka dhacay Preton Park, waxeyna labada gool kaga mahad celinayaan Wilson iyo Alexander-Arnold.

Ugu dambeyntiina Jurgen Klopp ayaa ka fakari doona hadii Dejan Lovren uu kusoo bilaabi doono kulanka isbuuca soo socda ee Manchester kaas oo ah mid aad muhiim u ah.