Miyey Arrintaan Daliil Hordhaca U Tahay In Neymar Junior Uu Ku soo Jeedo Real Madrid

Weeraryahanka Paris Saint Germain Neymar Junior ayaa wali ku sugan dalka Brazil isagoo kasoo kabanaayo dhaawac kasoo gaaray cagta bishii lasoo dhaafay, waxaana jiray dhawr shaqsi oo ku booqday guriga uu ku leeyahay dalkiisa si ay xaaladiisa u ogaadaan.

Shaqsiyaadka booqday waxaa ka mid noqday 17-jirka u carbuunan kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior, waana xidig ka tirsan kooxda reer Brazil ee Flamengo.

Wiilka da’da yar wuxuu ku biiri doonaa Madrid markii uu 17-jirsado, sidaas darteed wuxuu gaaray meeha la yiraahdo Mangaratiba oo uu ku yaalo guriga Neymar Junior, waana meel duleedka ka ah Rio de Janeiro.

Labada ciyaartoy waxey galeen sawiro “Selfie” ah kuwaa soo ay soo wada dhigeen baraha bulsahda, waxeyna arintaan noqotay mid loo arkay in Neymar uu si hordhac ah ugu ii jeedo Real Madrid.