Miyay Barcelona Iska Dhaafi Doontaa Xiisaha Ay U Qabti Frankie De Jong ?

AMSTERDAM, NETHERLANDS - AUGUST 14: Frenkie de Jong of Ajax in action during the UEFA Champions League third round qualifying match between Ajax and Royal Standard de Liege at Johan Cruyff Arena on August 14, 2018 in Amsterdam, Netherlands. (Photo by Dean Mouhtaropoulos/Getty Images)

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu soo warrmayaa in ay bisha January suuqa kabaadi goobi doonto xidig ka ciyaara qadka dhexe.

Kooxda Camp Nou ayaa maalmihii u danbeeyay si aad ah u xiisaynaysay xidiga qadka dhexe kaga ciyaara Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot.

Balse sida ay warisay majaladda Marca xiisaha ay Barcelona u qabto Rabiot ayaan kadhignayn in ay kooxdu meesha rabitaankeedi ku aaddanaa xidiga qadka dhexe ee Ajx Frankie de Jong.

De Jong ayaa bilihii u danbeeyay si aad ah looga hadal hayay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda qaaradda yurub isaga oo ay saxiixiisa kuhardamyeen kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Liverpool.