Milan oo dhammeystirtay saxiixa weeraryahan halis ah

AC Milan ayaa si aad ah kaga shaqeyneysa sidii kooxdeeda ay ugu soo dari lahayd xiddig cusub oo weerarka ka ciyaara.

Weeraryahanka hadda Milan u ciyaara ee Gonzalo Higuain ayaa waxa uu yahay mid mustaqbalkiisa uu aad shaki ugu jiro, waxaana ay taasi dhalisay inay raadiyaan weeraryahan kooxdooda ka caawiya inay goolal dhaliyaan.

Wargeyska Estadio Deportivo oo kasoo baxa Spain ayaa ku warramaya in kooxda Milan ay kala heshiisay Sevilla inay ciyaaryahankan kasoo qaataan.

Labada koox ayaa isku af gartay heshiis amaah oo uu ciyaaryahankan ugu ciyaari doono Roseneri inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Illaa iyo hadda lama caddeyn in heshiiskan ay qayb ka noqon karto toos ula saxiixasho, sidoo kalena weli si rasmi ah looguma dhawaaqin.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan heshiiska xiddiggan waa la dhammeeyay, waxaana la rajeynayaa in muddooyinka soo aaddan si rasmi ah loogu dhawaaqo saxiixa 27-jirka reer Colombia.