Man City oo xaalad kale oo adag qaabileysa ka hor kullanka Liverpool

Waxaa shaki badan la gelinayaa xaaladda caafimaad ee Kevin De Buryne ka hor kullanka Manchester City iyo Liverpool dhex mari doona.

City ayaa soo dhoweyneysa hooggaamiyaasha horyaalka Premier League-ga khamiista soo aaddan, ciyaar ka dhici doonta garoonka Etihad Stadium.

De Bruyne ayaa seegaya kullanka galabta kooxdiisa ay u safreyso kooxda Southampton, waxaana uu ka cabanayaa dhaawac soo gaarray kullankii Leicester City qasaaraha kala kulmeen.

Kubbad sameeyaha Belgium ayaa hadda la xanuunsanaya dhaawac muruqa ah, waxaana horraan uu la kulmay dhaawac dhanka Jilibka ah oo uu lix isbuuc garoomada kaga maqnaa.

Waxa uu ciyaarray afartii kullan kooxdiisa ciyaartay, waxaana uu kusoo galay beddel laba ka mid ah, balse waxa uu awoodi waayay inuu dhammeysto kullankii kooxdiisa qasaarada kala kullantay Leicester maalmaihii ciidda ciyaarihii la dheellay.

Kooxda Macallin Pep Guardiola ayaa ka fikireysa inay Qatar geliso xaaladda ciyaaryahankan maadaama laba dhaawac oo dhaadheer xilli ciyaareedkan gudahiisa galay.

De Bruyne ma ciyaari doono illaa caafimaadkiisa uu ka noqdo mid 100% taam ah, taasoo ka dhigan inay macquul tahay inuu seego kullanka Liverpool ay la ciyaarayaan Khamiista.