Midowga Afrika oo ku dhawaaqay inuu bilowday Hawlgalka Cusub AUSSOM

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef ayaa Qoraal uu soo saaray ku caddeeyay in howlgalkii cusbaa ee AUSSOM uu ka bilowday Soomaliya, laga bilaabo maanta 1da Janaayo 2025.
Wakiilka ayaa qoraalkiisa ku sheega in sida ku cad Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 2767 (2024) ay AUSSOM sii wadi doonto guulaha laga gaaray howlgalkii dhammaadya ee ATMIS si loo hubiyo in Soomaaliya ay xaqiiqsato nabad iyo amni waara.