Isku shaandheyn lagu sameeyay Agaasinkii Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa gebi ahaan isku shaandheyn lagu sameeyay agaasinkii Madaxtooyada Soomaaliya, idaoo iyada xilalka loo kala bedelay agaasimeyaasha Madaxtooyada lana magacaabay qaar cusub. xubnaha la magacaabay iyo xilalkooda waxay kala yihiin:
1- Agaasimahan Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta loo magacaabay Maxamedn Aadan Maxamed (Dugoow), oo horay u ahaa Agaasimaha Arrimaha Bulshada Madaxtooyada.
2- Agaasimaha Arrimaha Bulshada loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo horay u ahaa Afhayeenka iyo ku simaha Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.
3- Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana) waxaa loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada.
4- Samatar Shariif Axmed oo horay u ahaa Agaasimaha Waaxda Adeegga Guud waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iibka.
5- Xuseen Yuusuf Cali (Ladane) waxaa loo magacaabay Agaasimaha cusub ee Waaxda Adeegga Guud.
6- Ladan Cabdikhayr Cilmi waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda
7- Mowliid Ibraahin Xasan ayaa isna loo magacaabay Agaasimaha Waaxda La Socodka iyo Qiimeynta (M&E).
8- Mohamed Salad Ahmed (Barre) ayaa loo magacaabay Madaxa Xafiiska Agaasimaha Guud Madaxtooyada.