Muqdisho-RisaalaFM- Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira ayaa cambeereeyay weerarkii lagu qaaday Hotel Ambassador kaas oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan Labo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Ambassador Francisco Madeira oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in weerarada lala beegsanayo xarumaha dowladda, siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah in ay muujinayso sida Al-shabaab aan wax qiimo ah aan ugu heyn ilaalinta nafta dadka.
Waxaa uu tacsi u direy qoysaskii dadka geeriyooday isagoo kuwo dhaawacmay u rajeeyay caafimaad deg deg ah . waxaana uu sidoo kale sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay in si ay dhow ula sahqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga wadanka.
Shalay ayay aheyd markii Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Hotel Ambassador oo ku yaala wadada Makah Al-Mukarama.


