Mid ka mid ah doorashadii ugu adkeyd golaha Shacabka oo Gaalkacyo ka dhacday Caawa

Guddiga Doorashada Galmudug wuxuu maanta qabtay Doorashada Kursiga HOP#095 oo ay isku diiwaangeliyeen murashixiinta kala ah:-

1- Maxamed Saciid Faarax
2- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud
3- Maxamuud Kudun Xiimaa
4- Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac)

Codbixinta inta ay Bilaaban waxaa tanaasulay Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac) Natiijada codbixinta 3-da Musharax oo soo hartay waxay ku dhamaatay,

1- Maxamed Siciid Faarax oo helay 44 cod
2- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo helay 35 cod
3- Maxamuud Kudun Xiimaa oo helay 22 cod

Wareega Labaad Musharixiinta codadka u kala heleen.

1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) oo helay 54 cod

2- Maxamed Siciid Faarax oo helay 47 cod.

Sidaa daraadeed kursiga HOP#095 waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) oo helay 54 cod.