Maamulka gobolka Hiiraan oo joojiyay doorashadii Beledweyne

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in la hakiyay doorashada Kuraasta Beledweyne, sababo amni darro awgeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arrintan la xiriirto khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle oo isku haya kuraasta in la furo oo loo tartamo iyo in la xiro.