Michel Platini oo iska casilay Madaxweynaha UEFA

Michel Platini ayaa iska casilay kubada cagta xilkii Madaxweynaha Uefa uu kaga hayay kadib markii dhawaan xayiraad la saaray.

Madaxweynihii hore ee kubada cagta Yurub ayaa tan iyo sanadkii 2007 xilkaan hayay, waxaana ganaax laga saaray dhammaan hawlaha kubada cagta la xiriira afar sano .

Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Sport ee Switzerland ayaa dhawaan shaaciyay in la dhimay ganaaxa madaxweynaha saarnaa.

Halyeeyga reer France Platini – kaasoo la sheegay in ka niyad jab howlaha kubada cagta Hogaaminteeda ayaa ku dgawaaqay inuu is casilay maanta.

Dhawaan waxaa laga soo diiday racfaan uu ugubiyay maxkamada dhaxdhaxaadinta kubadda cagta ee CAS.