Askar kamida Ciidamada Koonfur Galbeed oo meydad iyo dhaawac ah ayaa la geeyay Isbitaalada Baydhabo , waxaana dagaal culus uu ka socdaa degaanka Goofgaduud.
Wariyaha Risaala Sayid Cali oo ku sugan Isbitaalka Baydhabo ayaa soo sheegaya in dhaawacyo badan iyo Meydad la geenay Isbitaalka ,kuwaa soo kusoo waxyeeloobay dagaalka ka socda Goofgaduud.
Gurmad xooggan oo ay hoggaaminayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamda xoogga ayaa ka baxay magaalada Baydhabo , kuwaasoo kusii jeeda degaanka Goofgaduud.
Degaanka Goof-gaduud oo 30-KM u jira Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay dhowr jeer oo hore waxaa ku dagaalamay Ciidanka Dowladda iyo Dagaalyahanada Shabaab.



